Friday, July 4, 2025

Safaraadda Mareykanka ee Nairobi oo Digniin kasoo saartay Weerarro Argagixiso oo laga cabsi qabo..

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku saabsan weerarro argagixiso oo ka dhici kara magaalooyin ka tirsan dalka Kenya.

Qoraal maanta kasoo baxay Safaaradda ayaa lagu sheegay inay jirto halis ku saabsan in dadka reer Galbeedka ah lagu weerarro magaalooyinka Kenya sida: Nairobi, Naivasha, Nanyuki, iyo Gobolka Xeebta, waxaana dadka looga digay inay ka fogaadaan goobaha la isugu yimaado sida Baararka, Suuqyada Waaweyn, Hoteelada iyo Goobaha lagu cibaadeysto.

Waxaa kaloo dadka Mareykanka iyo kuwa kasoo jeeda dalalka reer Galbeedka laga dalbaday inaysan tegin goobaha dalxiiska ee lagu yaqaan inay tagaan dadkaasi, ayna xiriir joogto ah la sameeyaan safaaradahooda.

Digniintan ayaa soo baxday iyadoo kooxda Alshabaab ay bartamihii bishii hore ee Janaayo weerar culus ku qaaday dhismaha Dusit D2 ee magaalada Nairobi, kaasoo lagu dilay dad gaaraya 21 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON