Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa socdaal ku jooga dalka Faransiiska, iyadoo ay wehliyaan wasiiro ka mida golaha xukuumada sida wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Gaashaandhigga.
Safarka madaxweynaha ayaa ah mid aan rasmi ahayn sida ay Goobjooge.com u xaqiijiyeen xubno ka mida golaha wasiirada, wuxuuna salka ku hayaa wadahadal u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo shirkada weyn ee shidaalka qaabilsan oo hore heshiis ula gashay dowladda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u muuqda inuu ka dhex muuqdo dhammaan heshiisyada ay dowladda Federaalka la gasho dalalka dibadda isagoo ah qofka ugu danbeeya ee gacanta ku haya arrimahaasi, waana tan keentay inuu booqasho aan rasmi ahayn ku aado dalka Faransiiska.
Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya inay jiraan wakiilo ka awood badan wasiirada oo madaxweynuhu leeyahay kuwaasoo u qaabilsan heshiisyada waaweyn ee dowladdu galeyso, nin lagu magacaabo C/raxamaan Sheekh Ciise oo la sheegay inuu yahay la-taliyaha madaxweynaha ee dhinaca ammaanka ayaa ka mida wafdiga madaxweynaha ee Faransiiska la socda.
Goobjooge.com waxay isha ku hayn doontaa dhaqdhaqaaqa madaxweynaha iyo waxa ka soo baxa safarkiisa hadduu alle idmo.