Tuesday, June 24, 2025

Safiirka cusub ee Denmark u soo magacawday Soomaaliya oo waraaqaha aqoonsiga laga guddoomay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee Muqdisho Villa Somalia uga guddoomay warqadihii aqoonsiga Danjiraha cusub ee Boqortooyada Denmark uga wakiilka ah Soomaaliya Ms. Mette Knudsen.

Madaxweynaha ayaa danjiraha uga waramey horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatey dhinacyada amniga, siyaasadda iyo barnaamijyada Hiigsiga 2016, iyo doorashooyinka la filayo inay dalka ka dhacaan sannadka soo socda. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Denmark uga mahadceliyey doorka ay ka qaadaneyso horumarinta iyo dib u dhiska Soomaaliya.

Danjire Knudsen oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay in Denmark ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, iyadoo dhanka kalena soo dhoweysey horumarka dhinacyada kala duwan ee ay sameysey Dowladda Federaalka ee Soomaaliya. Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaam Hadliye Cumar.

unnamed

unnamed1

unnamed2

unnamed3

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON