Maanta Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Max’ud ayaa Warqadaha Safiirnimo waxaa uu ka gudoomay safiirka cusub ee dalka u fadhin doona Soomalaiya Farcisco Maken, kaasoo dhowaan lasoo magacaabay.
Wasiir ku xigeenka wasaarada Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Cali Kediye ayaa sheegay in ay soo dhoweynayaan safiirka Cusub Ee Holland islamarkaana ay taasi muujineyso hormarka ay xukumaddu ka gaartay dhinaca xiriirka caalamka.
Mr. Kediye ayaa sheegay in shaqadiisa cusub ay ku taageeri doonaan safiirka dalka Holland, dhinaca kale safiirka Holland ee Soomaaliya ayaa shegay in Soomaaliya ay tahay dal ka soo kabanaya dagaaladii sokeeye.
“Waxaan halkaan maanta kula kulmay Madaxweynaha Federaalka ah ee Soomaaliya aad bayna sharaf weyn iigu tahay inuu waraaqahayga iga guddoomo iyo sida wanaagsan la iisoo dhaweeyay. Aniga iyo Madaxweynaha waxaan ka wadahadalnay xariirka labada dal ee Soomaaliya iyo Netherlands waxaanu sidoo kale ka wada hadalnay in la wanaajiyo xariirka ka dhaxeya Soomaalida Netherland
Waxaan sidoo kale ka wadahalnay sida ay dawlada Netherland uga qeyb qaadato taageerada ay bixinayaan midawga Yurub waxaana ka taageeraynaa hormarka ay Soomaaliya gaarayso ee ay ka mid yihiin Nabada iyo xasiloonida iyo hormarinta dhaqaalaha.”
Tan markii Dowladda Soomaaliya ay ka gudobtay KMG waxaa soo badanayey dalalka wakiilada u soo diranaya Soomaaliya.
Goobjooge.com