Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa waraaqihiisii aqoonsiga ka guddoomay danijiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Mareykanka Axmed Ciise Cawad oo shalay munaasabad ka dhacday Aqalka Cad lagu soo dhoweeyay.
Danjiraha cusub Axmed Ciise ayaa bedelaya safiirkii hore ee Soomaaliya u joogay Mareykanka Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo December 2014 loo magacaabay xilka Ra’iisul-wasaaraha Soomaaliya.
Safiirka cusub ee Soomaaliya Axmed Ciise ayaa laanta afka Soomaaliga ee VOA-da u sheegay in madaxweyne Obama ay ka wadahadleen arrimaha Soomaaliya, wuxuuna intaasi ku datay in dhowaan albaabada loo furi doono safaaradda cusub ee Soomaaliya ee magaalada Washington.
Magacaabidda safiirkan ayaa ahayd mid qarsoon, wuxuuna ku heyb yahay Ra’iisal wasaaraha iyadoo aan la soo marin Golaha wasiirada isla markaana ay kaliya isla ogaadeen madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]