Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barro ayaa ugu danbeyn xilka la wareegay kadib markii uu muddo 5 bilood ka badan uu ku magacawnaa, iyadoo golaha wasiirada Soomaaliya ay horaantii Bishii April ee sanadkan u magacaabeen xilkan. (Akhri Magacaabiddii Safiirka)
Munaasabada uu xilka kula wareegayay danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalkaani Koonfur Afrika danjire Jamaal Maxamed Barow ayaa waxaa ka qeyb galay guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha safaaradda ee horay usii waday shaqadii dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka waday dalkaani Koonfur Afrika.
Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Konfur Afrika mudane Maxamed Cali Mire oo xilka safiirka horay usii hayay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay guud ahaan maamulkii iyo shaqaalihii mudadii uu shaqeenayay lasoo shaqeeyay, isagoo xilka ku wareejiyay Safiirka cusub danjire Jamaal Maxamed Barow.
Mudane Maxamed Cali Mire qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika mar uu ka warbixinayay shaqaalaha ayaa sheegay inay Safaarada joogaan 18 xubnood oo iskugu jira dublamaasiyiin, uqeybsanayaal iyo shaqaale hoosaad, kuwaasoo howla muhiim ah uga haya dowlada Soomaaliya dalkaani Koonfur Afrika.
Safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doono dalka Koonfur Afrika danjire Jamaal Maxamed Barow oo xilka maamulka Safaaradda la wareegay ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu horay labo jeer u yimid, xiligii uu ahaa wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, xiliyadaas oo uu safaaradda iyo jaaliyada Soomaaliyeedba howlo muhiim ah kala qabtay dowladaani Koonfur Afrika uuna si weyn ugu faraxsan yahay inuu danjire cusub u noqdo uuna rajeenayo inuu wax badan oo waxtar u leh bulshada uu soo kordhin doono.
Danjire Jamaal Maxamed Barrow danjiraha Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa ka warbixiyay saddex qodob oo ay safaaraddu u furan tahay, kuwaasooo uu ku sheegay ugu horeyn inay tahay inay ka shaqeyso xoojinta xiriirka labada dal, wadashaqeyn lala yeesho wadamada danjirayaashu u joogaan iyo ilaalinta xuquuqda iyo shuruurcda Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaani Koonfur Afrika. Wuxuuna si gaar ah ugu hanbalyeeyay uguna mahadceliyay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Koonfur Afrika kuwaasoo gacan weyn ka geystay jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda.
Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo furan mudo saddex sano ku dhawaad ah oo uu geeriyooday safiirkii koowaad ee ay yeelato mudo yar kadib markii la furay. Danjire Jamaal Maxamed Barow ayaa noqonaya safiirkii labaad oo ay safaaraddu yeelato tan iyo intii calan Soomaaliyeed laga taagay dalkaani Koonfur Afrika, iyadoo ay xilligaani baahi badan u qabaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika waxqabadka safiirka iyo safaaradda ayna rajo xoogan ka leeyihiin in danjirahaani uu noqdo kii usoo dhicin lahaa xuquuq badan oo uga maqan dalkaani Koonfur Afrika.
[ad name=”HTML”]