Tuesday, June 24, 2025

Safiirka Ingiriiska ee Somalia oo ka hadlay khilaafka dowladda Federaalka & Maamul Goboleedyada [Akhriso]

Safiirka dowladda UK ee Soomaaliya Ben Fender ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada Soomaaliya.

Safiirka oo maanta tegay magaalada Kismaayo, isla markaana kulan la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa sheegay in rajada ay qabaan ay tahay in dowlad Goboleedyada dalka ay heshiis la gaaraan dowladda Federaalkas sidii hore loogu socon alhaa awood qeybsiga iyo Doorashooyinka.

Safiirka Ingiriiska Ben Fender ayaa madaxweyne Axmed Madoobe ka dhageystay natiijada shirkii Garowe ee madaxda Soomaalida iyo eedeyn uu ka sheegtay dowladda Federaalka oo ah inay qas iyo nabadgelyo darro ka wado maamulkiisa oo magaalada Muqdisho ay kasoo direyso siyaasiyiin ay lacag soo siisay.

“Rajadeenu waa in dowlad goboleeyada ay kula heshiin karaan dowladda Federaalka sidii hore loogu socon lahaa awood qeybsiga dalka iyo arrimaha Doorashooyinka’ Ayuu yiri Safiirka UK oo muddooyinkii ugu danbeeyay socdaallo ku kala bixiyey maamul goboleedyada dalka iyo Somaliland.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON