Saturday, July 12, 2025

Safiirka Itoobiya ee Muqdisho oo shaaciyey Doorkii dowladda Somalia ku lahayd Sii deynta Qalbi-dhagax [Akhriso]

safiirka dowladda Itoobiya u fadhiya magaalada Muqdisho  Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa faahfaahin ka bixiyey sii-deynta Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi- Dhagax) oo dhowaan la shaaciyey inay xoriyadiisii siisay dowaldda Itoobiya.

Safiirka oo u warramay Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sii deynta Qalbi-dhagax ay ku timid codsi ka yimid dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ay ka wada hadleen sii deynta Qalb-dhgax, taasoo keentay in dowladda Federaalka Itoobiyana ay tixgelisay codsigaas.

Safiir Jamaaludiin Mustafa Cumar ayaa dhinaca kale  waxba kama jiraan ku tilmaamay wararka  la faafiyey ee sheegaya  in labada dal ee Itoobiya iyo Soomaaliya la mideynayo,  basle Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu ka hadlay mideynta dhaqaalaha labada dowladdood, si la mida Midowga Yurub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON