Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Stephen Schwartz oo Muqdisho yimid markii labaad intii uu xilka la wareegay ayaa maalmihii dhowaa bilaabay kulamo uu la yeelanayo madaxda dalka.
Safiirka Mareykanka ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ugu yeertay madaxda Soomaalida isagoo mid mid kula kulmaya, waxaana ugu horeeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo iska xaadiriyay garoonka Aden Cadde shalay si uu ula kulmo Safiirka Mareykanka.
Maanta waxaa isna garoonka tegay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo kulan la qaatay safiirka Mareykanka, waxaa kaloo isla maanta Garoonka kula kulmay oo ugu tegay madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.
Waxaa lagu wadaa inuu beri isna garoonka Muqdisho iska xaadiriyo madaxweyn Xasan Sheekh oo la kulanka Safiirka Mareykanka sugi la’ waxaynta tani qeyb ka tahay hab-dhaqanka Mareykanka iyo dalal ka tirsan reer Galbeedka ay ku bah-dilaan madaxda Soomaalida.
Saraakiisha Mareykanka Stephen Schwartz ayaan loo ogoleyn arrimo ammaan awgood inay ka baxaan mandiqadda Garoonka Diyaaradaha, taasoo ay madaxda Soomaalida ku qasbanaadeen inay halkaas ugu tagaan si ay u qaabilaan saraakiisha reer galbeedka ee dalkooda joogta ama booqaneysa.
Goobjooge.com