Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa degdeg ugu yeeray inuu dalka kusoo laabto safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cumaan Danjire C/weli Cali Axmed.
Qoraal kasoo baxay wasiir Cawad ayaa lagu sheegay in iyadoo la tixgelinayo dacwad joogto ah oo ka dhaxeysa safiirka iyo diblomaasiyiinta kale ee ka howlgalla safaaradda lagu wargeliyey inuu magaalada Muqdisho kusoo galo muddo afar maalmood ah oo u dhaxeysa 21-25 Febraayo 2020, si xal looga gaaro arrimahaasi.
Waa danjirihii labaad ee Muqdisho looga yeero muddo 24 saacad Gudahood ah, iyadoo uu khilaaf kala dhaxeeyo diblomaasiyiinta safaaraddiisa. Shalay ayay ahayd markii Muqdisho loogu yeeray safiirkii Soomaaliya ee dalka Suudaan iyo ku xigeenkiisii.
HOOS KA AKHRISO
