Tuesday, July 1, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo kashifay sababta loo hakiyay Qaadka ka yimaada Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu danbeyn shaacisay sababta loo hakiyay Qaadka dalka Kenya ee tegi jiray Soomaaaliya.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Jamaal Xasan Maxamed ayaa sheegay in arrintan ay jawaab u tahay tallaabadii uu qaaday Duqa Meru  ninka lagu magacaabo Peter Munya oo arrimaha ganacsiga u adeegsaday kala goynta Soomaaliya.

Meru-JamalDanjire Jamaal ayaa u sheegay jariirada Daily Nation in Midnimada Soomaaliya uu faragelin ku sameeyay ninka ka taliya gobolka Meru ee Qaadka laga beerto, isagoo markii uu booqday magaalada Hargeysa dhowaan ay ka soo yeeraan hadallo dhaawac ku ah midnimada Soomaaliya.

Arrintan ayaa keentay culeys ku yimaadoa sida uu sheegay safiir Jamaal, waxayna dowladda Soomaaliya go’aansatay inay qaado tallaabo si arrintan wax looga qabto.

Duqa Meru ayaa bishii July booqday magaalada Hargeysa ee maamulka goonid isu taagay, wuxuuna kulan la yeeshay mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi isagoo u balan qaaday aqoonsi haddii ay Qaadka Kenya ay u fasaxaan degaanadaasi.

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Soomaaliya Axmed Jaamac Jangeli ayaa hore u sheegay in arrimo ammaan loo joojiyay Qaadka isagoo aan faahfaahin ka bixin.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON