Wednesday, June 25, 2025

Safiirka Soomaaliya ee Mareykanka: Kumanaan Soomaali ah oo laga soo tarxiilayo dalka Mareykanka

owladda Mareykanka ayaa qorsheyneysa inay soo masaafuriso kumanaan qof oo Soomaali ah, kuwaasoo ku jira xabsiyada Mareykanka.

Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka Axmed Cawad Ciise  ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ku wargelisay in 4, 000 Soomaali ah laga masaafurinayo dalka Mareykanka.

Danjiraha oo VOA-da la hadlay ayaa intaas ku daray in qorsshaha dib u celinta Soomaalida Mareykanka ay gacanta ku heyso hay’adda socdaalka Mareykanka oo qorsheyneysa in dib loogu celiyo Soomaaliya.

Hore waxay dowladda Mareykanka u soo masaafurisay boqolaal Soomaali ah oo laga soo dejiyay garoonka Muqdisho, iyadoo ay ilaalilo ka hayaan saraakiil Mareykan ah, qaarkoodna ay silsilado ku xirnaayeen.

Qorshaha dib u celinta Soomaalida Mareykanka ayaa ahaa mid la diyaariyay xiligii uu Obama ka talinayay Aqalka cad, waxaana fulintiisa dedejinaya maamulka Donald Trump.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON