War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Safiirkii Shiinaha u fadhiyay dalka Israa’iil, isagoo meyd ah laga helay gurigiisa magaalada Tel Aviv.
Warbaahinta Isra’el ayaa sheegtay in Safiirka Shiinaha Du Wei oo 58 sano jir ahaa meydkiisa saaka oo Axad ah laga helay Gurigiisa iyadoo aan la shaacin sababta dilkiisa keentay.
Wasaaradda Arrimaha dibadda Isra’el ayaa xaqiijisay geerida Safiirka Shiinaha ee dalkeeda joogay, iyadoo aan faahfaahin kale bixin, balse tacsi u dirtay dowladda China.
Safiir Du Wei oo xilkan loo magacaabay Febraayo sanadkan, waxaa uu hore u soo noqday safiirka China ee Ukraine.
