Monday, July 14, 2025

Safiirkii Soomaaliya ee Talyaaniga oo la bedelay, & Safiir cusub oo la xilka wareegay

Dowladda Soomaaliya ayaa bedeshay safiirkii u fadhiyay dalka Talyaaniga Muuse Xasan Cabdulle,  iyadoo xilka safiirnimo ee Danjiraha Soomaaliya ee Roma uu la wareegay  Jen. C/raxmaan Sheekh Ciise.

Safiirka Cusub ayaa ahaa la-taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dhowaan golaha wasiirada ay u magacaabeen inuu safiir noqdo iyadoo aan la shaacin dalka uu safiirka ka noqonayo, balse waxaa soo shaac baxday hadda inuu tegay safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.

Jen. C/raxmaan Sheekh Ciise oo ka soo jeeda Beesha Shanaad  wuxuu ka tirsanaan jiray ciidamadii xoogga dalka dowladdii dhexe ee Somalia, wuxuuna  taliye kasoo noqday xerada 26-aad ee ciidamada xoogga dalka ee ku taala Magaalada Hargeysa.

Safiiro kale ayaa lagu wadaa inay dhowaan la bedelo iyadoo ilaa 7 safiir oo cusub lana magacaabay ay sugayaan in dalalkii loo diri lahaa loo diyaariyo.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON