Hay’adda Iftin Foundation ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 4 bisha Septeembar 2019 soo bandhigtay sahan ay ku samaysay ardayda ka soo qalinjebisay dugsiyada iyo jaamcadaha dalka.
Daraasaddan oo ah tii saddexaad ee nooceeda ah oo ay sameyso Iftin Foundation, ayaa lagu soo bandhigay xog dhab ah oo ku saabsan xaaladaha ardayda ka soo qalinjebisay Jaamacadaha iyo Dugsiyada Dalka, iyadoo laga eego tiradooda, waxa ay soo barteen iyo goobaha ay ku kala yaalliin Jaamacadaha ay ka soo baxeen.
Xogtani waxaa laga soo ururiyay ilaa 54 Jaamacadood oo ku kala yaalla magaalooyinka kala ah Muqdisho, Gaalkacyo, Baydhabo, Beledwayne, Jowhar, Afgooye, Cadaado, Boosaaso, Garoowe, Qardho, Ceerigaabo, Goldogob, Buuhoodle, Marka, Dhuusamareeb iyo Kismaayo.
Markii ugu horreysay ayay Hay’adda Iftin Foundation sanadkan xog ururinteeda ku soo kordhisay soo badhigidda ardayda ka soo qalinjebisay dugsiyada sare ee dalka, iyadoo ay ka qaybqaateen ilaa 8 Dallaadood oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho
C/llaahi Maxamed Xasan “Black” Guddoomiyaha Hay’adda Iftin Foundation oo goobta ka hadlay ayaa xusay in sannad kasta ay jaamacadaha dalka ka soo qalinjebiyaan arday kor u dhaafaysa 10kun oo arday, isla markaana shaqo la’aan xoog badani ay dalka ka jirto.
“Hadafka aan ka leeynahay soo ururinta iyo soo bandhigidda xogtan waxay tahay sidii loogu baraarujin lahaa Hay’adaha dowladda, Ganacsatada iyo aqoonyahannada Soomaaliyeed xaddigga uu garsiisan yahay ardayda ka soo qalinjebisay Jaamacadaha iyo Dugsiyada dalka” ayuu yiri C/llahi Black oo intaa ku daray in cid kasta oo awood u leh looga baahan yahay sidii ay uga qaybqaadan lahayd in shaqo abuur loogu sameeyo ardaydaa faraha badan ee sanad kasta soo qalinjebinaysa.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane C/llaahi Goodax Barre oo madasha ka hadlay ayaa Iftin Foundation uga mahadceliyay xogta ay soo bandhigtay, isagoo tilmaamay in xogtu tahay awood, wax lagu dhisi karo, go’aanna lagu qaada karo.
“War helaa, Talo hela” sidaa waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada oo sheegay Wasaaraddiisu ay xogtaan u arkayso mid muhiim u ah Tacliita sare ee dalka, wuxuuna intaa raaciyay in looga baahan yahay jaamacadaha dalka in xogtaan si fiican u dhuuxaan, dibna ay u eegaan kulliyadaha ay ardaydeenu ka soo baxayaan.
“ku dhowaad 40% ardayda soo qalinjebisay sannadkii hore waxay ka soo qalinjebiyeen kulliyadaha Public Administration, Business Administration iyo Public Health, taasina sax maaha” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Mudane C/llaahi Goodax Barre oo ugu baaqay Jaamacadaha dalka inay xoogga saaraan kulliyadaha wax-soo-saarka iyo dhaqaalaha dalka wax ka taraya.
Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay masuuliyiin ay ka mid yihiin Maryan Aadan Amiin Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee Xafiiska R/Wasaaraha, Cqaadir Nuur Xuseen “Maax” Guddoomiyaha Akadeemiyada, Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta, Craxmaan Macallin Axmed “Ablaal” oo ku hadlay magaca bahda waxbarashada, C/llaahi Maallin Axmed “Sabaax” oo isna ku hadlay magac ganacsatada Soomaaliyeed, Aweys C/llaahi Cali oo ka socday Hay’adda Heritage iyo saaxiibo kale.
Guud ahaan tirada ardayda ka soo qalinjebisay Jaamacadaha Dalka sanadkii
2018 waxay garayeen 14,971 arday, iyadoo tirada gabdhahu ay ahaayeen
5,212 oo wadarta guud ka ah 35%, halka tirada wiilashuna ahaayeen 9,759 oo
wadarta guud ka ah 65%.
Xogtu waxay kaloo muujineysaa in saddexda kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardayda
ugu badan ay kala yihiin:-
1) Maamulka Guud (Public Administration) oo ay ka soo baxeen 2,149
arday oo wadarta guud ka ah 14.35%.
2) Maamulka Hawlaha (Business Administration) sida (Accounting, Human
Resources, Banking & Finance) oo tirada ka soo baxday ay gaareyso 1,859
qof oo wadarta guud ka ah 12.42%.
3) Caafimaadka Guud (Public Health) oo ay ka soo baxeen 1,856 qof oo
wadarta guud ka ah 12.40%.
Halka saddexda kulliyadood ee ay ka soo baxeen ardayda ugu tirada yar ay kala
ahaayeen:-
1) Cilmiga Dhulka (Geology)
2) Saxaafadda (Journalism) iyo
3) Daaweynta Ilkaha (Dentist)
Gabdhaha ugu badan waxay ka soo qalinjebiyeen saddexda kulliyadood ee
kala ah:-
- Nursing & Midwifery
- Public Health iyo
- Business Administration
Gabdhaha ugu tirada yarna waxay ka soo qalinjebiyeen saddexdan kulliyadood:-
- Geology, Pharmacology, Dentist & Marine Science
- Journalism & Statistics and Planning iyo
- Criminology & Environmental Science
Wiilasha ugu badan waxay ka soo qalinjebiyeen saddexdan kulliyadood:-
- Public Administration
- Business Administration iyo
- Computer Science & IT
Wiilasha ugu yar iyaguna waxay ka soo qalinjebiyeen saddexdan kulliyadood:-
- Geology
- Journalism
- Dentist
Sidoo kale xogtu waxay soo badhigtay sida ay magaalooyinka dalka ugu kala badnaayeen tirada ardayda, magaalada Muqdisho keligeed waxaa ka soo qalinjebisay arday gaaraysa 11,622 una dhiganta 77.63% , waxaa kaalinta labaad ku jirta magaalada Gaalkacyo oo ay ka soo baxeen arday gaaraysa 888 arday, halka magaalada Boosaaso ay ka soo baxeen 837 arday.
Dhinaca kale Hay’adda Iftin Foundation waxay sanadkan isku howshay soo bandhigidda tirada ardayda ka soo baxday dugsiyada sare ee dalka sanadkii hore ee 2018, iyadoo xog ururintan ay ka qaybqaateen ilaa 8 dalladood oo kala ah FPENS, SAFE, SEDA, SOFE, FENPS, SOFEL, SOFEN, iyo SOFPEN, iyadoo tirada ardayda ka soo baxday ay gaarayeen 44,605 arday.



