Tuesday, June 24, 2025

Samafale C/llaahi Shirwac oo Geeriyooday iyo Geeridiisa oo si weyn looga dareeemay..

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho xalay xilli danbe ku geeriyooday Prof. C/llaahi Maxamed Shirwac oo ahaa samafale caan ah oo u ololeeya nabadda iyo arrimaha bulshada.

Shirwac oo muddooyinkii ugu danbeeyay xanuunsanaa ayaa geeridiisa waxay si weyn u taabatay dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka Muqdisho, iyadoo tacsidiisa ay buuxisay baraha bulshada, waxaana uu hadda ahaa Guddoomiyaha Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska iyo ehelada uu ka baxay Prof. Shirwac.. “Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariisto Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac oo ahaa aqoonyahan iyo samafale naftiisa iyo waqtigiisaba u huray u khidmeynta shacabka Soomaaliyeed isaga oo kaalin mugleh kulahaa dadaalladii dib loogu dhisayay dowladnimada Soomaaliya dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.” ayuu faririntiisa tacsida ah ku yiri Madaxweynaha.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, qaraabada iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdullahi Maxamed Shirwac oo xubin firfircoon ka ahaa ururadda Bulshada Rayidka ah ee Soomaaiyeed oo xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa isna ayaa C/llaahi Maxamed Shirwac ku tilmaamay halyeeyey ka baxay qaranka Soomaaliyeed, wakhtigiisana u huray u adeeggidda dadkiisa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON