Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ka hadlay dhacdadii degaanka Gololleey dhalinyarradii lagu laayey degaanka Gololleey iyo ciidamadii lagu qarxiyey degaankaasi.
Isagoo sheegay in dadka lagu dilay degaanka Gololeey ee ciidamada qaraxa ku dhintay iyo dhaqatiirta lagu laayay ay kasoo wada jeedaan hal Beel, wuxuuna caddeeyay inaan baarista falkaasi lagu aamini karin dowladda Soomaaliya.
“Dadka labada meelood lagu laayey waa isku hal dad. Baabuurta ciidamada laga qarxiyey 9 ayaa ku dhimatay, dhaqaatiirta la laayeyna 8 ayaa dhimatay… Wiilasha nin ka mida oo dhaqaatiirta ahaa isagoo indhaha ka xiran ayaa yiri: annaga sidaad rabtiin na yeela ee Gabdhaha dhaafa..” ayuu yiri Muuse Suudi oo intaas ku daray inuu arrintan baaris ku sameeyay.
“Falkaan sida dadkii ka danbeeyay loo helo waa adag tahay.. Baaris badan ayaan galay waxaan la hadlay guddoomiyaha degmada, taliyaha ciidamada Booliska Balcad, Taliyaha Nabadsugidda iyo nin xildhibaan ah kulligood waa isla jireen, waana ka waayey nin wixii jira sheegi karo” ayuu yiri Muuse Suudi.
Wuxuu sheegay inaysan ahayn in Ciddii dhimata Alshabaab loo saariyo, isagoo soo qaatay Geeridii Gudoomiyihii Gobolka Banaadir C/raxmaan Yariisow oo uu sheegay inay weli shaki ka qabaan cidda abaabushay dilkiisa.
“Arrintan dad dowladda u shaqeeya oo in shaqada laga baxsho ka cabsanaaya baariteeda laga sugi maayo, waxaan kaloo laga sugeynin dad isku buqdan oo waxba kala ogeyn.. arrintan caalamka ayaa laga sugayaa, wax lagu kalsoon yahay oo dalkan ka jiro ma jiraan..” ayuu si cad u yiri Muuse Suudi oo inaan lagu degdegi karin cidda ka danbeysay falkan, balse uu ogyahay in sarkaalka lagu eedeeyay aanu wax shaqo ah ku lahayn.