Wasaaradda Gaashaanadhigga Uganda ayaa shaqada ka joojisay 15 sarkaal oo ka mida ciidamadooda ka howlgala Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM kadib markii soo baxeen eedeymo ku saabsan in faraxumeyn lagula kacay haween Soomaaliyeed oo hay’adaha u dooda xuquuqda bani aadamka ay faafiyeen.
Afhayeenka ciidamada dalka Uganda Paddy Akunda ayaa u sheegay wakaalada wararka AFP inay wadaan qiimeyn lagu sameynayo ciidamadooda kadib markii ay soo if baxeen tacadiyadaasi ciidamada AMISOM lagu eedeeyay inay kula kaceen haween Soomaaliyeed.
Paddy Ankunda ayaa sheegaya inay baaritaano wadaan aan ku koobneyn fara-xumeyn haween isagoo intaasi raaciyay inta baaritaanada socdaan in saraakiishaasi shaqada laga fariisiyay. Tirada saraakiisha arrintan saameynta ku yeelatay waxay gaarayaan 15 sarkaal, waxaana ka mida labo Jeneraal.
Arrintan ayaa timid kadib olole xoog leh oo ay qaadeen ururada u dooda xuquuqda aadamiga sida Human Rights Watch oo warbixin dheer ka qortay tacadiyo ay AMISOM kula kacday haween Soomaaliyeed oo ay taageero dhaqaale iyo mucaawin ugu bedelaan falal xadgudub oo jinsi ah.
Madaxa Midowga Afrika Nkosazana Dlamini-Zuma ayaa amartay baaritaano lagu sameeyo eedeeymahan waxa lagu wadaa in natiijada baaritaanadooda la soo bandhigo bisha November 30keeda.
Goobjooge.com/AFP
[ad name=”HTML-1″]