Sunday, July 13, 2025

Saraakiil Boolis ah oo lagu laayay Magaalada Dallas, Mareykanka [Daawo xaaladda kacsan]

Shiish-yahano aan la garan ayaa dilay 5 ka tirsan Booliska Mareykanka, isla markaana dhaawacay 6 kale magaalada Dallas ee dalka Mareykanka, xilli ay socdeen bannaanbaxyo looga soo horjeedi toogasho saraakiil caddaan ah ku dileen 2 qof oo madow ah toddobaadkan.

Philando Castile oo ahaa 32 jir, shaqaale iskuul ayaa ugu dambeeyay madowga ay Booliska dileen Arbacadii. Waxaana dilkan oo lagu shaaciyay baraha bulshada uu keenay caro weyn iyo bannaanbaxyo rabashado wata inay ka bilowdaan Mareykanka.

Dhacdadan ayaa ahayd tii ugu xumeyd ee mar qura lagu laayo Booliska taariikhda dalka Mareykanka. Saddex ruux ayaa loo qabtay falkan oo dhacay habeenkii xalay, wuxuuna boolisku ku tilmaamay mid si weyn loo qorsheeyay.

Saraakiisha Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa xiriir la sameeyay Duqa magaalada Dallas Mike Rawlings oo la sheegay inuu la tacaalayo xaalad adag oo ka taagan magaaladiisa oo noqotay goob dagaal iyo qas ka taagan yahay.

Madaxweynaha Mareykanka oo hadda booqanaya dalak Poland ayaa lagu wargeliyay xaaladda, isagoo hore u cambaareeyay nin madow oo Booliska Mareykanka ay  ku dileem Minnesota.

Bannaanbaxyo looga horjeedo Booliska Mareykanka iyo falalka  ay ku dileen laba nin oo madow ah maalmo isku xiga ayaa ka socda magaalooyin dhowr ah oo Mareykanka ka tirsan, waxaana Dallas ay noqotay goobta ugu weyn ee dhibaatadu saameysay.

Dadka ayaa looga digay inay dibadda u soo baxaan, wuxuuna  Duqa Dallas kula taliyay dadweynaha magaaladaasi inay ka fogaadaan goobaha howgalka boolisku ka socdo.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON