Saraakiil ciidan oo ka socda Dowladaha Talyaaniga, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa tegay magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed.
Waxaa ayna balan qaadeen inay dhawaan deegaanada Maamulka koofur Galbeed ay ka hirgalin doonaan Xaruumo Ciidan taasooo qeyb ka noqonaysa Xoojinta iyo tayaynta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.
Amaanduulaha taliska qeybta 60aad ee Ciidamada Xooga Dalka G/Sare Ismaanciil Khaliif Shire ayaa sheegay inay Saraakiisha ka socday Dalalka Talyaaniga, Ingiriiska iyo Mareykanka ay kala hadleen inay ka taageeraan dhinacyada tababarada iyo taakulaynta Ciidamada Xooga Dalka gaarahaan kuwa ka howl-gala Gobolada Baay iyo Bakool.
UNSOM ayaa sheegtay Saraakiisha waxaa hoggaaminayay Brig. Simon West OBE, oo ah la-taliyaha sare ee ciidamada UN-ka Soomaaliya, waxaana uu booqday saraakiil UK ka socda oo tababar siiya Ciidamad Soomaaliya ee ku sugan Baydhaba.
SAWIRRO