Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dowladda Soomaaliya ay xabsiga dhigtay Saraakiil ka tirsan Ciidamadii dhowaan banneeyay saldhigga Laanta-buuro oo kooxda Alshabaab weerareen kana qaareen in ku dhow 10 gaadiidka dagaalka ah.
Ciidamada dowladda ayaa hore u beeniyay in wax gaadiid ah looga qabsaday dagaalkii Laanta buur, laakiin Alshabaab ayaa soo bandhigay gaadiidkii dowladda ee ciidamada laga qabsaday, taasoo weji gabax ku noqotay taliska ciidamada qalabka sida.
Taliyihii Ururka Koowaad ee Ciidanka Xoogga dalka ee ka tirsan Guutada Shanaad iyo Saraakiil kale oo watay ciidamadii ku sugnaa Laanta buur ayaa hadda ku jira xabsiga ciidamada qalabka sida, waxaana la amray baaritaan lagu sameeyo sidii loo dayacay hantidii gaadiid ee ciidamadu lahaayeen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha la xiray lagu tuhmay inay wax ka ogaadeen weerarka ciidamadooda looga furtay Gaadiidka dagaalka ee ugu badnaa oo mar qura ciidamada dowladda laga qabsado.
Goobjooge.com