Tuesday, July 8, 2025

Saraakiil kale oo Boolis ah oo toogasho lagu dilay Michigan, Mareykanka

Dabley hubeysan ayaa laba sarkaal oo boolis ah ku dilay, isla markaana dhaawacay laba kale Gobolka Michigan ee dalka Mareykanka, weerarkii ugu dambeeyay ee lagu beegsado Booliska dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay Maxkamadda St Joseph oo 160 KM u jirta Bariga Chicago ayaa sidoo kale lagu dilay ninka dableyda ah ee saraakiisha booliska dilay.

Taliyaha Booliska degaanka Berrein Paul Bailey ayaa shir jaraa’id ka sheegay in laba sarkaal la dilay, isla markaana uu dhintay ninkii weerarka geystay markii Boolisku toogteen.

Duqa magaalada Michigan Rick Snyder ayaa xaqiijiyay falka toogashada ah ee dhacay, waxaana falkan ku dhaawacmay sarkaal booliska iyo qof rayid ah oo isbitaalka la dhigay iyagoo xaalkoodu degan yahay.

Weerarkan ayaa imaanaya kadib dilkii 5 askarta Booliska ka mida oo dhowaan nin hubeysan ku dilay magaalada Dallas xiisad ka dhalatay dilalka ay booliska kula kacaan dadka madowga ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON