Monday, June 23, 2025

Saraakiisha Itoobiya oo amar siiyay Ahlu suna iyo madaxdoodii oo isaga baxay Dhuusamareeb

Madaxda Ahlu suna ayaa saaka la soo weriyay inay gebi ahaan isaga tageen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud, taasoo ka dambeysay shir xasaasi ah oo shalay halkaasi ku dhex maray Saraakiisha ciidamada Itoobiya iyo madaxweynaha maamulka Ahlu suna Sheekh Axmed Shaakir.

Madaxweyne-shaakir

Wararka ayaa sheegaya iyo madaxdii Ahlu suna oo uu ka mid yahay madaxweynahoodii ay ka tageen Dhuusamareeb iyagoo wararka qaarkood ay sheegayaan inay aadeen degaanka Guriceel. Hore ayaa xalay waxay Ahlu suna kala baxday isbitaalka magaalada dhaawacyada ciidamadeeda oo ku jiray iyadoo u qaaday dhinaca Guriceel.

Kulankii shalay dhex maray saraakiisha ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in Ahlu suna si adag loogu shegeay inay ku biiraan maamulka Galmudug. Ma jiro wax war ah oo dhinaca Ahlu suna ka soo baxay, waxaana sidoo kale la ogeyn isbedelka ku yimid ciidamada Itoobiya oo hore garab u siin jiray kooxda Ahlu suna.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON