Thursday, April 18, 2024

Saraakiishii Badbaado Qaran ee ku dagaalamay Muqdisho oo Qaab Beeleed loo heshiisiinayo

Waxaa magaalada Muqdisho laga bilaaby waanwaan laga dhex wado Saraakiil ka tirsan ciidamad Milateriga, Qeybta 27-aad oo dhowaan ciidamo kala taabacsan ay ku dagaalameen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.

Ugaaska beelaha Gobolka Sh/Dhexe Ugaas Maxamuud Cali Ugaas oo ku dhex jiray arrintan ayaa ku guuleystay inuu kuklan isugu keeno labada Korneyl ee ciidamada dagaalamay kala hoggaaminaya oo kala ah Col. Saney Cabdull Gaab iyo Col. Cusmaan Xaadoole.

Wararka ayaa sheegaya in heshiis hordhac ah laga gaaray khilaafka labada dhinac, waxaana la gaaray xabbad joojin iyo ciidamada la kala qaaday, waxaan socda heshiis kama danbeys ah oo xal loogu raadinayo sababaha soo celceliyey iska hor imaadyada labada dhinac oo dad badan ku dhinteen.

Ad

Labadan sarkaal ayaa ka mid ahaa ciidamadii badbaado qaran ee ka hortegay muddo kororsigii uu ku dhawaaqay madaxweynihii xilku ka dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo, waxaana hoos taga ciidamo milateri ah oo u abaabulan qaab beeleed.

Dagaalkii ugu danbeeyay ee ciidamada kala taabacsan dhex maray ayaa la sheegay inuu salka ku hayo cidda canshuurta ka qaadaneysa Kaawooyinka laga qodo dhagaxa iyo agabka dhismaha oo ku yaalla duleedka degmada Kaaraan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON