Thursday, June 26, 2025

Saraakiishii loo heystay kiiskii qaraxa Hotel SYL oo dembi lagu waayay (Akhri go’aanka Maxkamadda)

Maxkamadda  darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee magaalada Muqdisho ayaa maanta denbi ku weysay siina deysay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska iyo nabad sugidda Soomaaliya loona heystay tuhun ku saasban inay wax ka ogaayeen weerar Ismiidaamin ah oo 22-kii bishii Janaayo ka dhacay Hotel SYL ee magaalada Muqdisho oo khasaare badan ka dhashay, mas’uuliyadiisana ay sheegatay kooxda Al-shabaab.

mxkamd

Saraakiishan oo dacwadooda dib loo dhigay markii hore loo sii daayay 7 akari oo la xirnaa ayaa maanta  lagu dhawaaqay in degdeg loo sii daayo, waxayna magacyadoodu kala yihiin:

1-G/Dhexe Maxamed Daahir Cabdule (Taliyihii hore ee saldhigga Boliiska  degmada Hodan)

2- L/Xidigle  Mahad  Cabdi Cumar

3- Xidigle Xasan Daahir Maxamed

4- Kormeere Saddexaad Axmed Qadar  Maxamed Xasan

Guddoomiyaha maxkamadda  darajada koowaad ee ciidamada G/le Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa sheegay in afarta sarkaal lagu waayay dambiyadii lagu soo eedeeyay sidaa darteed xabsiga laga siidaayo haddii aan loo heysan dambi kale.

Saraakiishan maanta la amray in la sii daayo ayaa ugu danbeeyay 11 sarkaal iyo askari oo dowladda u xiray qaraxii Hotelka SYL, iyadoo madaxwyne Xasan Sheekh markaasi balan qaaday in cadaaladda la hor keeni doono cidii ka dambeysay qaraxaasi. Culeys badan oo dowladda uga yimid beelaha ay ka soo jeedeen saraakiisha la xiray ayaa meel halis ah gaaray horaantii sanadkan waxaana laga cabsi qabaa in sii deyntoodana ay sabab u tahay arrintaasi.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON