Sunday, July 13, 2025

Sarkaal ka soo goostay Alshabaab oo Diyaarad Helikobtar ah looga qaaday Degmada Diinsoor

Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in sarkaal sare oo ka goostay Alshabaab ay diyaarad helikobtar ah ka qaaday degmada Diinsoor.

Diyaaradan oo laga diray magaalada Baydhaba ayaa sarkaalkaasi oo aan magaciisa la shaacin ka dejisay galabta magaalada Baydhaba, waxayna wararku sheegayaan in sarkaalkan oo wata gaari nooca dagaalka ah iyo maleeshiyo uu kasoo baxsaday Alshabaab.

Afhayeenka maamulka K/Galbeed ayaa sheegay in sarkaalka iyo ku dhowaad 20 dagaalame oo Alshabaab ka tirsan ay isu dhiibeen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka K/Galbeed.

Sababta diyaaradda helikobtarka ah loogu diray ayaa lagu sheegay xaalad dhinaca ammaanka ah, iyadoo laga war helay in Alshabaab ay jidgooyo weerar ah u diyaarisay sarkaalkan kasoo goostay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON