Wednesday, June 25, 2025

Sarkaal ka tirsan Alshabaab oo isu dhiibay ciidamada dowladda [Faahfaahin]

Saraakiisha ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan Gobolka Bay, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inuu isu soo dhiibay sarkaal sare oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab.

Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu sheegay Xuseen Salaad Mukhtaar, wuxuuna xiriir la soo sameeyay ciidamada dowladda ee Gobolka Bay.

Sarkaalkan ayaa dalbaday in la cafiyo isagoo in mudo ah ka tirsanaa xarakada Alshabaab, waxaana arrintan ka hadlay AMISOM oo saraakiisha iyo askarta kale ee Alshabaab ugu baaqay inay is dhiibaan kana faa’iideystaan cafiska dowladda.

Saraakiisha Alshabaab ee isu dhiibeysa dowladda ayaa aad u yar iyagoo xilliyadii danbe  ay noqdeen gabaabsi, taasoo ay sabab u tahay awoodda dowladda federaalka iyo xaaladda ku xeeran kooxdan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON