Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo ka mid ahaa ciidamada Booliska, isla markaana la sheegay inuu ku magacawnaa taliyaha Booliska Waaxda Barwaaqo ee degmada Dayniile ayaa u dhintay rasaas uu ku furay askari ka mida ciidamadiisa oo muran soo dhex galay.
Wararka ayaa sheegaya in Sarkaalka oo magaciisa lagu soo gaabiyey Calas iyo askariga dilka u geystay uu dhex maray muran keenay inuu askariga rasaas ooda uga qaado sarkaalka oo goobta ku geeriyooday.
Askari kale ayaa ku dhaawacmay rasaasta lagu dilay sarkaalka Booliska ka tirsanaa, waxaana falkan uu ka mid yahay dhacdooyin isku dhacyo ah oo ciidamada dowladda ku dhex maraya magaalada Muqdisho.
Ciidamada ayaa xiray askariga dilka geystay, waxayna dadka degaanka sheegeen in sarkaalka la dilay iyo askartiisa ay in muddo ah ka cabanayeen oo dhibaato ku hayeen dadka degaanka.