Sarkaal ka tirsanaa ciidamada Ciidanka Ilaalinta Degaanka Xamar ee degmada Waaberi ayaa caawa lagu dilay degmadaasi.
Sarkaalka oo lagu magacaabi jiray Mustaf Xaaji Dhicisow ayaa la sheegay inay koox hubeysan rasaas ku fureen kadib Salaadii Maqrib.
Falkan oo dhacay kadib markii uu salaadii Maqrib ka soo baxay Masjidka Xaaji Aabow ee Degmada Waaberi ayaa dadka degaanka sheegeen in dableyda dilka u geystay ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamada dowladda ayaa goobta tegay kadib falka khaarijinta ahaa, ma jirto cid loo qabtay. Falalka dilalka ah ee lala beegsado saraakiisha iyo mas’uuliyiinta dowladda waxaa aalaaba fulisa kooxda Alshabaab.
Goobjooge.com