Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada Milateriga Soomaaliya lagu dilay xaafadda Ex. Kontrol ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Geesey Cali Indhoole, wuxuuna ka tirsanaa Guutada saddexaad isagoo taliye urur ahaa oo fadhigiisu yahay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dilka sarkaalkan waxaa geystay askari ilaalo u ahaa oo rasaas ku furay, waxaana dhaawac ahaan loogu qaaday isbitaal uu markii danbe ku geeriyooday.
Askariga dilka u geystay sarkaalka uu ilaalada u ahaa ayaa la sheegay in gacanta lagu dhigay isagoo isku dayay inuu baxsado.
Goobjooge.com