Thursday, July 17, 2025

Sarkaal ka tirsan Nabadsugidda oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa goor dhoweyd lagu dilay magaalada Muqdisho. Koox hubeysan oo wadatay Gaari Nooca Raaxada ah ayaa la sheegay in Isgoyska CeelGaab ee degmada Xamarweyne ay ku dileen sarkaalkan oo noqona dilkii ugu dambeeyay falal xiriir ah oo ka socda Muqdisho.

Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/aaadir ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. wuxuuna  magaciisa lagu soo gaabiyay Mahad, iyadoo kooxda dilka geysatay ay baxsatay.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday falal lagu ugaarsnayo saraakiisha Amniga iyadoo shalay oo qura afar ruux lagu dilay Muqdisho, waxaana sii socda falalkaasi oo u muuqda inay waxba ka qaban waayeen Hay’adaha ammaanka Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON