Maxkamada milateriga ee dalka Uganda ayaa 18-sano xabsi ah ku xukuntay sarkaal ka tirsanaa howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kaasoo lagu eedeeyay inuu shidaal ka xaday ciidamada, isla markaana iibsaday.
Sarkaalkan ayaa lagu magacaabaa Col. Eugene Ssebugwaw o wuxuuna mas’uul ka ahaa Saadka iyo Maamulka Guutada 9-aad ee AMISOM, iyadoo si xatooyo ah u iibsaday shidaalka ay ciidamada loogu talogalay.
Col. Eugene Ssebugwawo ayaa lagu soo eedeeyay inuu iibsaday 7000 illaa 8000 oo liitar shidaal ah, kadib baaritaan dheer ay sameeyeen saraakiisha Uganda lagu helay dembiga. Guddoomiyaha Maxkamadda magaalada Kmpala, Maj. Gen Levy Karuhanga ayaa sheegay inuu qirtay kiiska lagu soo oogay, isla markaana dembiga uu galay uu yahay khiyaano ah oo halis ku ah sii socoshada howlgalka AMISOM.
Maxkamadda milateriga ayaa u furtay in sarkaalka la xukumay racfaan ka qaadan karo muddo 14 maalmood gudahood gudahood ah. Maxkamadah milateriga Uganda ayaa qaada xukumo noocan oo kale ah waxaana hore saraakiil ka tirsan AMISOM loogu so oogay dembiyo la xiriira wax is daba marin, iyo shaqo gudasho la’aan, qaarkood waxaa lagu eedeeyay inay xiriir la lahaayeen Alshabab.
Goobjooge.com