Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in la soo badbaadiyay sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo lagu waayay dagaalkii cuslaa ee degmada Ruunirgood ku dhex maray ciidamada milateriga dowladda Soomaaliya iyo Alshabaab.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Saney Cabdulle ayaa dhaawac ka soo gaaray dagaalka, waxaana uu ku baxsaday gaari isagoo shalay goor danbe ciidamo gurmad ah oo uu watay Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Daaci ay ka soo heleen degaan ka fog goobta dagaalku ka dhacay.
Hore ayaa sarkaalkan loogu khadlay taliyaha guutada 12-ka April Gen. Maxamed Maxamud Saney oo la sheegay inuu dhintay dagaalka, isagoo beeniyay, isla markaasina sheegay inuusan dagaalka qeyb ka ahayn.
Ciidamo ku dhow 40 ayaa ku dhintay, waxaana dhaawacyo ka soo gaareen in badan kadib weerar rogaal celis ahaa oo Alshabaab ku qaadeen ciidamada milateriga Soomaaliya oo maalin ka hor qabsaday degmada Ruunirgood.
Goobjooge.com