Ciidamada Milatariga Soomaaliya ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu isku dhiibay sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Sarkaalkan ayaa la sheegay inuu ahaa madaxii Amniyaadka degmada Galcad ee kooxda Alshabaab. Saraakiisha Ciidamada milateriga ayaa sheegay in sarkaalkan isu dhiibay lagu magacaabo Maxamed Hooley Iswiisar, oo ahaa madaxda kooxda Xisbada Shabaab ee Degaanka Galcad.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalkani loo qaaday degmada Ceelbuur iyadoo lagu wareejinayo mas’uuliyiinta degmada oo la filay inay ku sii wareejiyaan dowladda loona qaado magaalada Muqdisho.
Saraakiil hoose iyo kuwo heer dhexaad ah ayaa dhowaanahan isu dhiibayay ciidamada dowladda ee Gobolka Galgaduud.
Goobjooge.com