Wednesday, June 25, 2025

DAAWO: Sawiradii ugu horeeyay ciidamo Mareykan ah oo qarsoodi uga howlgala Suuriya

Sawiradii ugu horeeyay ee ciidamada kumaandooska Mareykanka oo ka dagaalamaya gudaha dalka Suuriya ayaa la soo helay iyadoo Mareykanku si weyn u qarin jiray inay ciidamo ka joogaan gudaha dalkaasi.

Sawiradan ayaa muujinay ciidamo kumaandoos Mareykan ah oo qaarkood xiran yihiin calanka dalkooda, waxaana sawirada laga soo qaaday magaalo yar oo lagu magacaabo Fatisa kuna dhow xarunta ururka Daacish ee Magaalada Raqqa.

Ciidamada gaarka ah ee Mareykanka ayaa ku hubeysay qoryaha MK 47 oo ah qori bambooyinka waaweyn tuura oo lagula dagaalamo gawaarida gaashaaman, waana ay hub kaliya adeegsadaan ciidamada Mareykanka. Sawiraddan ayaa keenay su’aalo badan oo la iska weydiinayo dalka Mareykanka kuna saabsan doorka Mareykanka dalka Suuriya iyadoo Aqalka Cad iyo Pentegonka ay kaliya sheegeen in ciidamada Mareykanka ay gacan siiyaan maleeshiyad Kurdiyiinta oo jiidda hore ee dagaalka aanay qeyb ka ahayn.

Markii sawiradan wax laga weydiiyay afhayeenka ciidamada gaarka ah ee Mareykanka Gen. Tiffany Bowens ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay talo iyo taageero siinayaan ciidamada jabhadda dimoqraadiga Suuriya oo ay leeyihiin Kurdiyiinta Suuriya, mana bixin wax faahfaahin ah.

GOOBJOOGE.COM

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON