Sunday, June 22, 2025

Sawirrada Xeebta Liido oo qabsaday Baraha Bulshada ee internet-ka

Dadka Soomaaliyeed ayaa bilaabay inay bogagga bulshada ay ku soo qoraan farriimo ah inay sii wadi doonaan booqashada xeebta Liido ee magaalada Muqdisho kadib weerarkii Khamiistii oo lagu dilay labaatan qof, taasoo muujineysa iska caabin carro ay ka qaadeen weerarka Alshabaab.

Boqolaal sawirro dad ku dabaalanaya xeebta, qaar kubbad ku cayaaraya iyo kuwo ku raaxeysanaya ayaa la soo geliyay bogagga internet-ka iyada oo la raaciyay calaamadda ‘tweetlidopictures‘ oo micnaheedu yahay soo geliya sawirada Liido – waxaana ay ku muujinayaan in aanay cabsi gelin doonin weerarradaasi oo dadku ay noloshooda wadan doonaan.

Dhawr makhaayado laga cunteeyo iyo hotelo ayaa laga sameeyay meelaha u dhaw xeebta Liido tan iyo markii kooxda Islaamiga ee al-Shabaab ay isaga baxday magaalada Muqdisho shan sano ka hor.

Ad

Qaar kamida dadka sawirada iyo difaaca Liido soo dhigay barta twiterka hoos ka daawo

- Advertisement -

Goobjooge.com

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON