80 Arday ayaa maanta ka qalin jabisay Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho, iyagoo qaatay Shahaadada labaad ee Master-ka, waxayna la kaashatay Jaamacadda Open University ee dalka Maleysiya, waxayna ardayda isugu jireen Kulliyadaha Maareynta Ganacsiga iyo Maamulka Mashaariicda.
Xaflada Qalin jebinta waxaa ka qeybgalay madaxda Sare ee Jaamacada SIMAD, xubno ka socday Jaamacada Open University ee Maleysiya, waalidiin iyo Marti sharaf kale.
Gudoomiyaha Jaamacada SIMAD Daahir Xasan Carab oo Xaflada ka hadlay ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ardayda maanta qaadaneysa shahaadada Master Digriiga ee Heerka labaad ee Jaamacada.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com