Ciidamada Milateriga dalka Zimbabwe ayaa la wareegay talada dalkaasi kadib markii ay qabsadeen xarunta telefishanka iyo xarumaha kale ee dowladda caasimadda Harare.
Wararkii ugu danbeeyaya ayaaa sheegaya in Madaxweynihii dalkaasi ee talada hayay 30-ka sano ninka caanka ah ee 93 sano jirka Robert Mugabe ay qabteen ciidamada, isagoo isu diyaarinaya inuu ku dhawaaqo inuu xilka ka dego sida ay shaacisay warbaahinta Koonfur Afrika.
Bayaankii ay ciidamada soo saareen oo laga akhriyay warbaahinta dalkaasi, waxaana lagu sheegay in tallaabadan ay u qaadeen ciidamada inay qabtaan dembiilayaasha, balse tallaabada aysan ahayn afgembi ka dhacay dalkaasi.
Ciidamada oo ku doodaya in afgembi uusan dhicin ayay hadda xaaladu ku socotaa mid u eg inqilaab aan dhiig ku daaday oo talada looga qaaday Robert Mugabe, inkastoo ay ciidamada ku doodayaan inuu weli yahay madaxweynaha Zimbabwe.
Waqootiga caasimadda Harare ayaa subaxdii hore ee Arbacadada laga maqlay rasaas iyadoo dalkaasi galay xaalad aan la hubin, wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay ciidamadu qabteen uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Ignatius Chombo.