Ururka Al-shabab ayaa soo bandhigay Gaari ay dhowaan qabsadeen oo ka mida ahaa baabuurta ololaha doorashada Kenya ee xisbiga madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Gaarigan oo uu lahaa xisbiga Jubilee ayaa maleeshiyada Al-shabaab ay kusoo bandhigtay Gobolka Jubbada Dhexe, waxaana ka muuqday calaamadaha ololaha doorashada xisbiga madaxweynaha Kenya ee Jubille iyo sawiro musharixiin.
Gaarigan ay Alshabaab ku qabsatay weerar ku qaaday degaanka Mandheera ee dalk Kenya, waxaana bandigga saarnaa maleeshiyo kooxda ka tirsan iyadoo lagu xiray calankeeda.
DAAWO SAWIRRO