Amiirka Dalka Qatar Tamii Bin Xamad Althani ayaa maanta booqday saldhigga milateri ee Mareykanka ugu weyn Bariga Dhexe.
Saldhigga Alcudeyda ayaa waxaa ka howlgala ciidamada Mareykanka ee la dagaalama argagxisada iyo kuwa dalka Qatar, waana kan ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe.
Amiirka Qatar ayaa u kuurgalay diyaargarowga ciidamada Cirka dalkiisa oo diyaargarow joogto ah ku jira xilli xiisadda khaliijka ee kala dhaxeysa ay kasii dareyso, sida Sacuudiga iyo Imaaraadka.
DAAWO SAWIRRO