Sunday, July 6, 2025

SAWIRRO: Axmed Xuseen Soomaaligii ugu horreeyay oo loo doortay Baarlamaanka Canada

Soomaaliguu ugu horeeyay ayaa noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Kanada kadib doorashadii dalkaasi ka dhacday oo Axmed Xuseen  una tartamayay xisbiga Liberal ku noqday muwaadinkii ugu horreeyay oo Soomaaliyeed ee ku guuleysta taariikhda doorashooyinka baarlamaanka dalka Canada, waxaana laga soo doortay xaafadda York South-Weston ee magaalada Toronto.

Axmed Xuseen wuxuu ka adkaaday murashaxii laga soo dooran jiray xaafadda  York South-Weston oo ahaa Mike Sullivan  kana tirsanaa xisbiga NDP. Soomaalida Canada ayaa aad ugu riyaaqay guusha uu Axmed ka gaaray doorashada baarlamaanka, iyagoo u arkaya guushiisa inay horseedayso inay baarlamaanka dalka Canada cod ku yeeshaan markii ugu horreysay taariikhda.

Axmed Xuseen wuxuu ku dhashay kuna barbaaray dalka Soomaaliya, isagoo dalka Canada galay sannadkii 1993-kii, wuxuuna waxbarashadiisa Jaamacadeed ku dhameystay Jaamacadda Ottawa, isagoo ah qareen bulshada si aad ah uga dhex-muuqday isagoo madax kasoo noqday ururka bulshada Soomaalida Canada ee Somali Community Organization.

Labadii murashax ee kale oo Soomaali ahaa; Faisal Hassan oo u tartamayay xisbiga NDP iyo Abdi Abdul oo u tartamayay xisbiga Conservative ayaa ku guul-dareystay doorashada baarlamaanka Canada.

 

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON