Kumanaan kun oo qof ayaa iskugu soo baxay magaalo madaxda Zimbabwe ee Harare kuwaas oo mudaharaadkooda ku dalbanaya in madaxweyne Robert Mugabe uu xilka ka dego.
Banaanbaxan waxa taageersan milatariga dalkaas oo Arbacadii talada la wareegay. Weriyeyaasha ayaa sheegay in ay dadka mudaharaadayaa ay u si xamaasadaysan u soo dhaweeyeen askar dhex gashay.
Xarumaha gobollada ee xisbiga talada haya ee Zanu-PF, iyo sidoo kale dagaalyahannadii xornimodoonka, oo ilaa sannadkii hore daacad u ahaa madaxweynuha, ayaa haatan leh Mugabe waa in uu xilka iska tiriyaa.
Mugabe waa 93 jir haatan waxaanu dhawr maalmood ku jiray xabsi guri, laakii Jimcihii ayaa markii ugu horraysay lagu arkay meel fagaare ah. Halkaas oo ahayd xaflad qalin jabin jaamacadeed ah.
Ciidanku waxay talaabadan ay talada kula wareegeen qaadeen ka dib markii uu soo baxay loolan adag oo ah cidda talada uga dambayn doonta Mugabe oo 37 sanadood talada dalka hayey.
Zimbabweans marching side by side military ranks #SADCBackOffZim #Zimbabawe ?? pic.twitter.com/ExhYcZjn9R
— Trevor Ncube (@TrevorNcube) November 18, 2017