Weriye ka tirsan Warbaahinta dowladda ayaa shaaciyay sawirro ku saabsan jirdil uu sheegay inay kula kaceen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka.
Weriye Ismaciil Mukhtaar Cumar ayaa sheegay in la garaacay la jirdlay isla markaana si xun ay ula dhaqmeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda hoygiisa meel u dhow.
Weriyaha oo tifaftire ka ah wakaalada wararka dowladda ee SONNA, ayaa sawirrada waxaa ka muuqda in gacmaha laga xiray isla markaana dhulka lagu jiidayo.
Lama oga sababta jirdilka loogu geystay weriyaha, mana jirto wax war ah oo kasoo baxay ciidamada, laakiin wuxu sheegay inuu garanayo ciidamada falka kula kacay.
DAAWO SAWIRRO