Ciyaaryahanyahan u dhashay dalka Faransiiska ee ciyaaraha qalaama rogadka Samir Ait Said ayaa dhaawac naxdin leh kasoo gaaray xilli uu ciyaaraha Olombikada Rio ee Brazil saftay kulankiisii koowaad.
Ciyaaryahankkan ayaa si lama filaan ah uga faniinay goobtii uu ku ciyaarayay, waxaana si fiil xun uga jabtay lugtiisa bidix, xilli ay si toos ah u daawanayeen dad fara badan oo garoonka ku sugnaa iyo malaayin kale oo Telefishanada ka daawaanayay.
Samir Ait Said ayaa loola cararay isbitaalka, waxaana lugtiisu u muuqatay inay jab culus soo gaaray oo ay halkaasi ku dhamaatay riyadiisii ahayd inuu bilad Dahab ay ku guuleysto.
DAAWO SAWIRRO
Wakaalado