Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Dalka Sierra Leone oo Booliskii ugu badnaa u soo diray Soomaaliya [Magaalada ay ka howlgalayaan]

Ciidamo gaaraya 145 oo Boolis ah, kana socda Dalka Sierra Leone ayaa shalay soo gaaray Soomaaliya, iyagoo ku soo jeeda gaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose.

AMISOM ayaa sheegtay in ciidamdan  ay ku biirayaan 15 Sarkaal oo u dhashay Sierra Leone, kuwaas oo horay ugu sugnaa Kismaayo, kana qeyb qaadan doona sugida amniga iyagoo la shaqey doon Booliska maamulka Jubaland.

Ku-simaha Taliyaha Booliska AMISOM Christine Alalo ayaa sheegtay in ay tababareen 600 Askari oo ka mid ah Booliska Jubaland Sanadkii 2016kii, waxaana ay intaas ku dartay in ay qeyb ka yihiin xaqiijinta amniga degaannada Jubaland.

Taliyaha Ciidanka Sierra Leone ee soo gaaray Kismaayo Mustafa Solomon Kambeh ayaa isna sheegay inay ku faraxsan yihiin imaanshahooda Soomaaliya isaga oo sheegay in uu rajeynayo in howshooda ay u gutaan si waafaqsan sharciga ay ku howgasho AMISOM.

Ciidamada Sierra Leone ayaa horay isaga baxay Soomaaliya kaddib markii uu dalkooda ka dillaacay Cudurka Ebola hase ahaatee mar dambe lagu guuleystay in Cudurkaas laga cirib tiro waddamo ay ka mid tahay Sierra Leone.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON