Friday, July 18, 2025

SAWIRRO: Diblomaasiyiin Soomaali ah oo tababar uga socdo magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa tababar diblomaasiyadeed u dirtay 10 ka mida shaqaalaha Wasaaradda oo muddo toddobaad ah tababar ku qaadanaya dalka Turkiga.

Diblomaasiyiinta Soomaalida ee Wasaaradda Arrimaha dibadda oo ka kooban 10 diblomaasi  tabbarka ku qaadanaya  Akadeemiyadda diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga, iyadoo uu dhowaan xaflad soo dhoweyn ah u sameeyay Safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga Jaamac  C/llaahi Mohamed.

Danjire Jaamac Cabdullaahi Maxamed ayaa ku booriyay diblomaasiyiinta tababarka u socda inay noqdaan kuwa ka faa’ideysta casharada, ayna bilow cusub u noqdaan isbadallada guusha leh ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay hiigsanayso, isaga oo xusay in tababarada lagu tayeynayo howlwadeennada kala duwan ee hey’adaha dowladda ay tahay mas’uuliyad weyn oo ay muujiyeen, waxaanu caddeeyay in kooxdii labaad ee Wasaaradda Beeraha ka socota lagu tababari doono dalka Turkiga si dalku u noqdo mid isku filnaada xagga cunnada iyo wax soo saarka.

Image may contain: 7 people, people sitting and table

Image may contain: 12 people, people sitting, table and indoor

Image may contain: 8 people, people sitting and tableImage may contain: 7 people, people sitting and crowd

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON