Diyaarad rakaab ah ayaa ku burburtay kadib markii si degdeg ay u fariistay garoonka caalamiga ah ee Dubai, iyadoo sawirro laga qaaday diyaarada ay muujiyeen holac iyo uuro xoog leh oo diyaaradda qabsatay markii ay awoodi weysay inay si aadi ah u degto.
Diyaaradda oo ay lahayd shirkadda Emirates nooceeduna ahaa 777 waxayna ka tagtay dalka India, waxaana duhurnimadii maanta shilkan ku qabsaday garoonka Dubai.
Dowlad goboleedka Dubai ayaa sheegtay in dhammaan dadkii rakaabka ahaa ee diyaaradda saarnaa si nabadgelyo ah looga daad gureeyay diyaaradda oo aanay jirin cid wax ku noqotay.
Diyaaradda shirkadda Emirates oo kaalinta koowaad ka gashay diyaaradaha rakaabka caalamka ayaa waxaa saarnaa 282 qof iyo 18 shaqaale ah iyadoo ku jirtay duulimaadka EK521.
Gurmad degdeg ayaa loo fidiyay diyaaradda waxyeelowday oo muddo 13 sano ah shaqeyneysay, iyadoo weli aan la shaacin sababta dhalisay shilka.
DAAWO SAWIRRO
Plane crash-lands at #Dubai airport – footage via @rsddar. #دبي pic.twitter.com/j386ahiX6G
— Faisal Irshaid (@faisalirshaid) August 3, 2016
Goobjooge.com