Wednesday, June 25, 2025

SAWIRRO: Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare oo xilka la wareegay

Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare ee dalka Soomaaliya Dr. Ibraahim Iidle Suleymaan ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay guddoomiyihii hore Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf, wuxuuna balan qaaday inuu xoogga saari doono  dhisidda kalsoonida bulshada Soomaaliyeed ay ku qabto Garsoorka iyo kor u qaadayaan tayada howlwadeenada Garsoorka Dalka.

Munaasabadda xilka wareejinta waxaa ka  qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte,  guddoomiyihi hore ee maxkamadda sare, wasiiro, xildhibaanno, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, saraakiil ciidan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo xaflada ka hadlayay ayaa sheegay intahay wax lagu farxo munaasabadda xil wareejinta ah. Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi (Ilka-Xanaf) ayaa isna sheegay in garsoorka dalka uu u baahanyahay madax banaani, isla markaana xilka uu yahay mid meerto ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda  Soomaaliya Maxamed Cumar Carte ayaa isna soo dhoweeyay guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda, wuxuuna sheegay in dhibaatada dalka ka dhacday ay sabab u tahay cadaalad darro.

DAAWO SAWIRRO

Xil-wareejin

xil-wareejin2

Ceydiid-Iidle

Xilwareejin3

IIdle

 

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON