Friday, June 27, 2025

SAWIRRO: Haddii aad dooneyso inaad iibsato Mobile-ka cusub iPhone X, ka dignootow arrintan

Waxaa si weyn loogu yaacay markii dhowaan suuqa la soo geliyay telefoonka cusub ee iPhone X, oo lagu soo beegay sanadguuradii 10-aad ee asaask shirkadda Apple.

Telefoonkan oo qiimihiisu yahay $1000, isla markaana isbedel weyn iyo waxyaabo cusub lagu soo kordhiyay ayaa tijaabadii ugu horeysay ee lagu sameeyay lagu ogaado in telefoonkan uu yahay mid xasaasi ah oo u baahan dhowris dheeraad ah.

Laba dhinac ee telefoon iPhone X ayaa laga sameeyay dhalo, taasoo markii la tijaabiyay oo masaafo yar laga tuuray ay jabeen miraayadaha, markii labaadna ay ka jabeen labada miraayad ee laba dhinac, taasoo ku dhici karta telefoonka in haddii uu jeebkaad la dhaco ama aad la weyso ay dhalooyinka ku xeeran ka jebi karaan si fudud.

Waxaa ka sii daran in hagaajinta haddii ay miraayadaha ama dhalada uu ka sameynsan yahay gacan-qaadka ay ku baxeyso lacag dhan $279, taasoo saddex jeer ka badan lacagta lagu hagaajiyo telefoonada kale.

Qofka doonaya inuu telefoonkan iibsado ayaa looga digay inuu si weyn u dhowri karo ama u diyaar garoobo kharash dheeraad ah iyo lacag joogto ah.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON