Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un, ayaa sheegay in kulan madaxeedkii ugu horreeyey ee ay labda Kuuriya yeeshaan muddo toban sanadood iyo dheeraad ah, uu noqon doono bilowga taariikh cusub.
Labada hoggaamiye ee Kuuriya kulankooda uu noqonayaa mid taariikhi ah iyadoo madaxweyne Kim- Jong-un ee Waqooyiga Kuuriya uu noqday hoggaamiyihii ugu horeeay ee muddo 65 sano ah u soo gudba Koonfurta Kuuriya.
Wadahadalka madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed, Moon Jae-in iyo dhigiisa waqooyiga Kuuriya Kim- Jong-un, ayaa ka dhacay aagga milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeya.
Moon ayaa isna sheegay in uu rajaynayo in heshiis wayn ay ku gaaraan wada xaajoodkaas oo la filayo in ay xoogga ku saari doonaan in jasiirad la moodka Kuuriya laga dhigo meel nukliyeerka ka caaggan iyo in si rasmi ah loo soo af jaro dagaalka Kuuriya.
Markii hore ayaa Kim Jong-un waxa uu noqday hogaamiyihii u horeeyey ee cag dhiga ciidda Kuuriyada Koonfureed, markuu ka tallaabay aagga milatariga ka caagan ee labada dal u dhexeeya oo uu si rasmi ah ula kulmay madaxweyne Moon.
Labada nin ayaa si diirran isku gacan qaaday, ka dibna waxay ka wada tallaabeen xadka labada dal u dhexeeya oo waxay u gudbeen dhanka Kuuriyada Woqooyi, taas oo ahayd tallaabo ay ugu talo galeen in ay bixiso muuqaal togan.